Somaliland Oo Maanta Si Balaadhan looga Xusay 18 May

Hargeysa(RH):-Waxaa maanta gobolada,degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee somaliland guud ahaan si balaadhan looga xusay munaasibada Xuska 31 guurada maalinta qaranimada Jamhuuriyada Somaliland ee 18 may

geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka caasimadda Hargeysa kala qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey 31-guurada  kasoo wareegtay 18-ka May oo ah maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Munaasibadda lagu    qabtay barxadda fagaaraha, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay shirguddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, wufuud kala duwan oo dalalka deriska iyo  dunida uga timi ka qaybgalka munaasibadda,taliyeyaasha ciidamada, ururrada bulshada,  siyaasiyiin iyo haldoor bulshada kamid ah iyo marti-sharaf kale, waxana fagaaraha lagu soo bandhigay mahrajaanno xiiso badan oo lagu muujinayo maalinta qarannimada ee 18-ka May.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ah, bahda waxbarashada, degmooyinka caasimadda, kooxaha Sports-ka ee Hargeysa oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fagaaraha koox koox u maray, kuwaas oo ay ka muuqatay shucuur waddaniyadeed.

Cutubyo kala duwan  oo kamid ah ciidamada kala geddisan ee qaranka oo agabkooda ciidan u dhammaystiran yahay, ayaa iyo gaaddo-ka-ciyaar xirfadi ka muuqato goobta kusoo bandhigay, kuwaas oo shucuur waddaniyadeed iyo qiiro geliyey shacabkii waddooyinka kala duwan ee caasimadda ka daawanayey iyo masuuliyiintii madaxweynuhu u horreeyey ee xuska ku sugnaa.

Sidoo kale, waxa ay ciidamada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland goobta kusoo bandhigeen gaadiid kala geddisan oo casri ah, kuwaas oo ay kamid ahaayeen gaadiidka kaarayaasha iyo noocyada kale ee hubka culculus xambaara, kuwaas oo ay ciidamadu kaga hortagaan cadowga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shacabka u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa, ayaa ugu horrayn bulshada reer Somaliland meel ay joogaanba ugu hambalyey munaasibadda qaran ee 18-ka May, waxana  uu si qoto dheer uga sheekeeyey sababihii keenay inay Somaliland go’aansato inay aayaheeda dib uga tashado oo ay xorriyaddeeda qaadato iyo halgankii midho dhalay ee shacabku u galeen sidii looga xoroobi lahaa rijiimkii macangegga ahaa ee  muddada dheer lala halgamayey.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dawladnimada Somaliland ku timi rabitaan shacab, kuna tashadeen inay qaran buuxa dhistaan, kana mid noqdaan dawladaha dunida ka jira ee Dimuqraaddiga ah.

Dhallinyarada reer Somaliland, ayuu madaxweynuhu si mug leh waano iyo waxsheeg waayeelnimo ugu jeediyey, waxana uu ku boorriyey inay waqtigooda ka faa’iidaystaan, dalkooda dhistaan, aqoonta ay bartaanna dalkooda iyo dadkooda uga faa’iideeyaan, xilna iska saaraan sidii ay dhulkooda wax ugala soo bixi lahaayeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu bulshada reer Somaliland, ugu baaqay inay  u diyaargaroobaan isbeddelka cimilo ee dunida oo dhan saameeyey, isaga oo ku waaniyey inay wax ka beddelaan qaabkii hore ee ay u noolaan jireen, si ay isbeddelka ula jaanqaadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay qaran astaantiisu tahay nabadda iyo wax wada-qabsiga, deris-wanaagguna tiir-dhexaad u yahay, waxana uu yidhi,“Waxa inoo Mabd’a ah oo siyaasaddeenna lagu unkay oo lagu bilaabay inaynu Bani’aadamka Ilaahay meel kasta oo ay joogaanba aynu nabadgelino oo aynu wax la qabsanno, inagoo ka bilaabayna jaararkeena, Geeska iyo caalamka oo dhan.”

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu baaqay inay midnimadooda iyo wada-jirkooda ka shaqeeyaan, horumarkooda iyo dib-u-dhiska dalkoodana muhiimad gaar ah siiyaan.

 

Category